Xisbiga uu hogaaminayo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo wax laga badalay

1807
Xisbiga Midowga nabada iyo dimuqraadiyada ayaa war-Saxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku sheegay in la badalay magaca xisbiga  kadib markii lagu qabsaday magaca xisbigaasi.
Xisbigan oo uu guddomiye u yahay madaxweynihii hore ee soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa magaca lahaanshaha magaca xisbigan sheegtay Cabdulaahi Sheekh Xasan Wasiirka Dastuurka Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, kaas oo tilmaamay in la qaatay magaca Xisbi uu sameeyay sanadkii 2011 oo lagu magacaabo Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda Soomaaliyeed SPDU.
War saxaafadeed ay soo saareen masuuliyiinta xisbigan la badalay magaciisa ayaa lagu sheegay  in magaca xisbiga ee hore u ahaa xisbiga Midowga Nabada iyo Dumquraadiyadda balse haatan magaca lagu badalay Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka.
Gudoomiyaha kumeel gaarka ah ee xisbiga Madaxweynihii hore Xasan Sheikh Maxamuud

Xisbigan la badalay Magaciisa ayaa waxaa inta badan ku mideysan Xubno mucaarad ah, waxaana si kumeel gaar ah Guddomiya loogu doortay Madaxweynihii hore Ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Si kastaba ha ahatee 4ta October ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu qabto Munaasabad lagu daah-furayo Xisbiga, laguna caleema saarayo Guddoomiyaha Kumeel Gaarka ah ee Xisbigan.