Xisbiga talada haya dalka Zimbabwe Zanu PF ayaa ku guuleystay doorashada ka dhacday dalkaas, sidaas waxa shaaciyay guddiga doorashada dalka Zimbabwe.
Zanu PF ayaa ku guuleysatay kuraas gaaraya 109 kursi, halka xisbiga mucaaradka ugu weyn ee MDC uu helay 41 cod, iyada oo 58da codna la shaacin doono maanta cidda ku guuleysatay.
Doorashadaan oo aheyd tii ugu horreysay ee la qabtay tan iyo intii uu xukunka ka dagay Robert Mugabe ayaa waxa si weyn uga qayb qaatay dadka miyiga ku nool oo codkoodu uu saameyn weyn ku lahaa.
Guddiga doorashada ayaa sheegay in aysan shaacin Karin cidda noqoneysaa madaxweynaha Zimbbawe maadaama aysan wali soo dhameystirmin natiijooyinka doorashada .
Dhanka kale hoggaamiyaha mucaaradka Nelson Chamisa oo isagana ay u aheyd doorashadii ugu horreysay ee uu hoggaamiyo mucaaradka tan iyo geeridii Morgan Tvsangrai ayaa doorashaadaan cashir u noqon doontaa.
Mucaaradka ayaa sheegay in doorashada lagu shubtay , waxayna ku baaqeen isku soo baxyo lagu diidanyahay doorashada lagu shubtay.