Xisbiga Dimuqraadiga oo u magacaabay Joe Biden inuu noqdo Musharaxa Madaxweynaha Mareykanka

718

Xisbiga Dimuqraadiga ee dalka Mareykanka ayaa si rasmi ah ugu magacaabay Joe Biden musharraxa madaxweynaha Mareykanka, iyagoo ku tilmaamay hogaamiye rugcaadaa ah si uu ula tartamayo madaxweyne Donald Trump doorashada madaxtinimada Mareykanka ee bisha November.

Cod bixinta ayaa talaadadii ku dhacday habka fogaan araga ee maqalka iyo muqaalka ee khadka internetka, cudurka faafa ee coronavirus awgiis, iyadoo ergooyinka iyo dhammaan 50-ka Gobol ee Mareykanka ee xisbiga Dimuqraadiga ay ku dhawaaqeen in ay taageersan yihiin Biden.

“Waa hagaag, aad iyo aad baad u mahadsan tihiin,,” Biden ayaa ku yiri farriin muuqaal ah oo toos ah markii uu u dabaaldegayay magacaabista.

“Waxay uga dhigan tahay adduunka aniga iyo qoyskayga,” ayuu raaciyay, isagoo xusuusinaya daawadayaasha inuu jeedin doono khudbad rasmi ah Khamiista dhammaadka Shirweynaha afarta maalmood ee Xisbiga Dimuqraadiga.

Jeo Biden oo toddobaadkaan geli doono olole adag oo uu kula jiro Madaxweyne Trump iyo ku xigeenkiisa Mike Pence ayaa dhawaan u doortay Kamala Harris oo ah gabar Madow ah in ay noqoto Madaxweyne ku xigeenkiisa tartanka doorashada madaxnimada Mareykanka ee dhacaysa 3 bisha Nofeembar,2020.

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in ay jiraan siyaasiyiin iyo la taliyayaal sare oo horey uga tirsanaa maamulka Madaxweyne Trump oo hadda ku biiray taageerada iyo ololaha musharraxa xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden.