Xisbiga Dimuqraadiga 25 sano ka dib ku guulaystay kursiga Senete-ka gobalka Alabama

1041

Ka dib tartan xoogan oo dhexmaray xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga dalka Maraykanka  ayaa waxaa lagu soo waramayaa  in 25 sano ka dib musharaxa xisbiga Dimuqraadiga Duog Jones uu Ku guulaystay kursiga Golaha Senate-ka dalka Maraykanka.

Duog Jones, ayaa guul ka gaaray musharaxa xisbiga Jamhuuriga Roy Moore, isaga oo kaga badiyay  49.9% guud ahaan codadkki la tiriyay.

Musharaxa xisbiga Jamhuuriga Roy Moore, oo wajahayay eedaymo la xiriira xad-gudubyo dhanka galmada ah iyo Nacaybka Islaamka ayaa helay codad gaaraya 48.4% cod.

Guushan ay xisbiga Dimuqraadiga dalka Maraykanka ka soo hooyeen gobalka Alabama, ayaa ka dhigan in xisbiga Jamhuuriga uu 2 kursi oo Kali ah dheeryahay guud ahaan xubnaha Golaha Senate-ka.

Dimuqraadiga ayaa Golaha Senate-ka Ku leh mudanayaal gaaraya 49 xubnood halka xisbiga talada haya ay haaystaan 51 xubnood.

Roy Moore, musharaxa laga guulaystay ayaa horay u sheegay in  dadka Muslim ka ah aan loo ogolaan inay xilka xubinimada Aqalka Congress-ka.

Madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump, ayaa Mr. Jones, ugu hambalyeeyay guusha uu ka gaaray musharaxa isaga qudhiisa uu taageerayay ee Roy Moore.

Trump, ayaa taageerayaasha xisbiga Jamhuuriga u balan qaaday in jamhuuriyiintu ay soo laaban doonaan muddo kooban ka dib.