Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Faadumo Cismaan Faarax waa qof ceeynkee ah?

1822

Golaha wasiirada ee xukuumadda Federaal-ka ah ee Soomaaliya oo shalay shir ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ay xilka Xisaabiyaha Guud ee Qaranka u magacaabeen Faadumo Cismaan Faarax, taasi oo bedelaysa xisaabiyihii hore ee Qaranka ,Axmed Yuusuf Muumin (Siraaji).

Haddaba xisaabiyaha guud ee Qaranka ee la magacaabay Faadumo Cismaan Faarax waa qof ceenkee ah?

Faadumo Cismaan Faarax, waxaa ay ku dhalatay magaalada Buula-Barde ee Gobalka Hiiraan.

1979 -kii, ayaa Faadumo, waxaa ay ka shaqo bilowday Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

1986-kii, ayaa waxaa ay Shahaadada Cilmiga Xisaabaadka ka qaadatay Jaamacadda Ummadda.

1989-kii, ayaa sidoo kale isla Shahaadada cilmiga xisaabaadka ay ka qaadatay jaamacadda la yirahdo  University of Rome, (Sabienza).

1990-kii, ayaa Marwo Faadumo Cismaan Faarax waxaa ay madax ka noqotay qaybta lacagaha ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Faadumo, ayaa burburkii dalka kaddib ayaa waxaa ay u qaxday dalka Canada, iyadoo dalka kusoo laabatay sanadkii 2012-kii.

2013-dii, ayaa Faadumo, waxaa ay noqotay madaxa dhaqaallaha iyo xisaabaadka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

05.10.2017, ayaa waxaa loo magacaabay xilka xisaabiyaha Guud ee Qaranka.