Xiriirka Maraykanka iyo Ingiriiska oo qarka u saaran inuu burburo

1180

Xiisad siyaasadeed oo la moodo inay qalqal galin galin doonto xiriirka UK, iyo Maraykanka ayaa soo if-baxday.

Madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald trump oo ah qof barta Twitter-ka ku leh taageerayaal gaaraya 48 Milyan oo qof ayaa dhowaan bartiisa Twitter-ka retweet-gareeyay qoraal Twitter ka ay soo dhigeen dadka midigta fog ee reer Britain.

Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska haweenayda lagu magacaabo Teresa may ayaa trump u sheegtay inuu arintaasi ku qaldan yahay.

Ayadoo is dhaafsiga hadalladaasi markii hore walaac lagu muujinayay ayaa warka  waxaa sii xumeeyay oo sheekada Bansiin kusii daray isagoo bartiisa Twitter-ka ku weeraray May,.

Trump ayaa waxaa uu ku yiri qoraalkiisa ” Aniga Diiradda ha i saarin ee waxaad diiradda saartaa burburka Asal raacayaasha islaamiga ah ay ka gaysanayaan Gudaha UK. Aniga hadda waan fiicanahay”.

Teresa may, ra’iisul wasaaraha UK, oo ku Sugan magaalada Camaan ee dalka Jordan ama Urdun, ayaa ayadoo warbaahinta kula hadlaysay  maanta oo Khamiis ah ayaa ayaduna waxaa ay sheegtay markale in Madaxwaynaha Maraykanka uu Ku qaldanaa inuu taageero u muujiyo kooxaha islaamka nacayb ee Middigta fog ee dalka UK.

” Waxaan rabaa inaan caddeeyo haddii aan xiriir fiican la leenahay Maraykanka inaysan micnaheedu ahayn inaan Maraykanka ka cabsanayno inaan u sheegno qaladkiisa” ra’iisul wasaaraha Ingiriiska ayaa ayaduna sidaa sheegtay.

Xisbiga tallada haya iyo kan mucaaradka UK, ayaa u midoobay Mr. Trump.

Sheekadu waxaa ay maraysaa her mas’uuliyiin xisbiyada ka tirsan ay ka hadlaan haddii Donald trump maxkamad uu wajihi karo haddii uu dalkaasi booqdo.

Mudane ka tirsan Aqalka Senate-ka Maraykanka oo laga soo doorto gobalka Utah,  ayaa difaacay ra’iisul wasaaraha UK.

Duqa magaalada London, Sadiiq Khan, oo ah nin Muslim ah oo ka soo jeeda dalka Pakistan ayaa sidoo kale sheegay in Madaxwaynaha Maraykanka aanu ahayn nin xishooda maxaa yeelay buu yiri dadka isaga taageersan waa kuwo asal raacayaal ah.

Qoraal kooban oo uu la socdo war-saxaafadeed ayaa waxaa uu sidoo Kale ku sheegay in Trump, uu kordhiyay kobaca taageerayaasha midigta fog, isagoo inta raaciyay in booqashadiisa London aan la soo dhowayn doonin.

Siyaasiyiinta qaar ayaa soo jeediyay in Donald trump aanu ahayn America islamarkaana loo baahan yahay in la inkiro.

Safiirka Uk, u fadhiya Maraykanka Kim Darroch, ayaa sheegay in hadalada kasoo baxaya Trump ay la wadeegeen Aqalka Cad.

https://twitter.com/KimDarroch/status/936239930459787264

Xoghayaha Arrimaha Dibadda UK, Boris Johnson, ayaa sidoo sheegay in Trump uu taageero u muujinayo dadka kasoo horjeeda wada noolaashaha islamarkaana Islaamka nacayb.

Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa ah dalal  xiriir taariikhi ah uu ka dhaxeeyo, ayagoo sidoo Kale wadaga dhaqan, Af iyo  Diin.