Xilliga uu furmayo kalfadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka oo la shaaciyay

606

Muqdisho – Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay waqtiga uu furmayo kalfadhiga 6-aad ee Golaha Shacabka.

Warqad uu soo saaray Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa lagu sheegay in kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Federalka si ramsi uu u furmi doono 9 bishaan Ocktoobar oo ku beegan maalin Arbaco ah.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux ayaa qoraalka ka soo xaafiiska Guddoomiyaha akhriyay ayaa ugu baaqay xildhibaannada Golaha Shacabka in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay dalka ugu soo laabtaan si aay u gutaan waajibaadka saaran.

Golaha Baarlamaanka ayaa fasaxiisa caadiga ahaa ku jiray muddo labo bil ah iyadoo intii Xildhibaannadda ay fasaxa ku jireen ay dhaceen arrimo xasaasiya oo dhanka siyaasadda ah sida doorashooyinka Barlamaanka iyo Madaxweynaha ee Jubbaland.