Xilliga ay dhacayso Doorshada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo lagu dhawaaqay

622

Dhuusamareeb – Guddiga Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ayaa soo saaray Jadwalka Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka 2aad ee Galmudug.

Guddigaan oo ka kooban 15 xubnood ayaa si wadajir ah u ansixiyay jadwalka Doorshada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

Xilliga ay dhacayso doorashada Guddoonka Baarlamaanka ayaa laga dhigay 17ka bishaan Janaayo iyadoo ila maalintaas la dhaarin doono cidda ku guulaysata xilka Guddoomiyaha.

Marka la dhamaystiro doorashada Baarlamaanka ayaa la filayaa in la guda galo doorashada Madaxweynaha Galmudug oo isla bishaan la qorsheeyay in ay dhacaan.