Xilka Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha kala duwan ee Xukuumadda Soomaaliya oo loo tartami doono

1148

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federal-ka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ku dhawaaqay guddiga socon doona tartanka xilalka agaasimayaasha guud ee wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya.

Guddiga uu Ra’iisul wasaaraha magacaabay ayaa ka kooban 11 xubnood oo isugu jira xubno ka mid ah xukuumadda Ra’iisul wasaare Khayre iyo xubno ka tirsan ururada Bulshada Rayidka, waxaana guddiga hogaaminaya Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Shaqada guddiga ayaa ah inay dabagal iyo la socod ku sameeyaan tartanka loo gali doono xilalka agaasimayaasha guud ee wasaardaha kala duwan ee xukuumadda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa warbaahinta u sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay in uu fuliso balanqaadkii madaxwaynaha oo ahaa in maamulkiisa uu abuuri doono jawi ku dhisan daah-furnaan iyo isla xisaabtan.

Warbaahinta Ummaddamedia ayaa isbuucii la soo dhaafay warbixin uga qortay ka dib markii baaritaano aan samaynay ku ogaanay in xilalka agaasimayaasha guud ee wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya la xayaysiin doono.

Maqaalkaas oo aynu daabacnay  Isbuuc ka hor intaan lagu dhawaaqin guddigan. Waa tallaabo soo dhowayn iyo bogaadin mudan.

Arintaan ayaa ka dhigan in ay xilalkooda banayn doonaan agaasimayaasha hadda xilka haya, si muwaadiniinta shaqo doonka ah ay ugu tartamaan.

Qaar ka mid ah agaasimayaasha guud ayaa muddo fog haya xilka ayagoo qaarkood jagadasi ku matala nadaamka Beelaha.

Wasaarado kooban oo ay ka mid yihiin Warfaafinta iyo arrimaha Gudaha ayaa shaqada ka eryay agaasimayaashooda ka dib markii lagu eedeeyay inay ka soo bixi waayeen shaqadooda. Tallaadaasi ayaa ahayd fariin toos ah oo loo dirayay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha kale.

Xasan Cali Khayre, ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqidda guddigga ku tilmaamay mid dadka Soomaaliyeed ay u siman yihiin shaqada Hay’adaha dowladda federal ka ah ee Soomaaliya.

Let the best lead Somalia’s public institutions – UM

SHARE