Xiliga uu furmayo Kalfadhiga Saddexaad ee Baarlamaanka oo la shaaciyay

811
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Ku xigeenadiisa (Xuquuqda Sawirka waxaa iska leh Wakaaladda Wararka Soomaaliya SONNA

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in 10-ka Bishaan uu si rasmi ah u furmi doono kalfadhiga Saddexaad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Sooomaaliya oo ka kooban Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

Xoghaayaha Guud ee Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in 10-xubnood oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka loo xilsaaray diyaarinta munaasabadda furitaanka fadhiga Baarlamaanka oo dhici doonta 10-ka Bishaan.

Guddigaan ka kooban 10-ka xubnood oo uu Guddoomiye u yahay Senator C/risaaq Cusmaan Xasan Jurile iyo ku-xeenkiisa Xildhibaan Khaalid Macow ayaa waxay diyaarinayaan munaasabada furitaanka fadhiga Baarlamaanka oo dhici doonta 10-ka bishan.

Waxyaabaha ugu waawayn ee haatan horyaala Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah, Arrimaha doorashooyinka, Dib u eegista Dastuurka dalka, Sharciga Jinsiyadda dalka iyo arrimo kale.

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa sida sharciga ah si rasmi ah u furi doona kalfadhiga Saddexaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.