Xildhibaano Xukuumadda ku eedeeyay dhacdooyinkii maanta ee Baarlamaanka

783

Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed oo ka mid ah Xildhibaannadii maanta tagay xarunta golaha shacabka ayaa ka hadlay wixii dhacay isaga oo ciidamada ku tilmaamay sharci darro.

Waxaa ay la hadleen qaar ka mid ah warbaahinta gudaha gaar ahaan kuwa ka howl gala magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

“Laga soo  bilaabo Dabka ilaa iyo Daljirka-daahsoon inta ka dhaxeysa ayaa Xildhibaannadii looga reebay ciidankoodii ammaanka, sharciga waxaa uu ahaa Albaabka ayaan ku reebi jirnay, habdhowrihii Baarlamaanka lagalama heshiinin,  madaxdii baarlamaanka lagalama heshiinin,  hay’addii fulinta faro-gelin cad oo ay ku sameysay Xildhibaannada ayey aheyd”

Xildhibaanka ayaa sheegay in maanta ay jirtay qorshe uu sheegay in laga soo shaqeeyay oo ujeedadiisuna ay ahayd in lagu hor istaago shaqada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya kaasi oo khilaafka ka dhex taagan uu gaaray marxad aad u adag.

“Baarlamaanka waxaa ka jiray qorshe maamulka dabbaran oo laga soo shaqeeyay taasi oo aheyd in Baarlamaanka shaqadiisa laga hor istaago, maanta waxaa la rabay in Ajande mucayin ah laga soo saaro qaab mucayin ahna looga fakaro aad ayaan ug xunnahay habdhaqanka ceynkaas oo kale” Xildhibaan Cabdixakiin Macalin ayaa hadalkiisa intaa raaciyay.

Xaniifa Maxamed Ibrahim Xaabsade oo iyadana wax laga xumaado ku tilmaantay in ciidamo Soomaliyeed ay weeraraan xarunta golaha shacabka, xukuumaddana ay shaqo ka dhigato baarlamaanka.

“Madaxweynihii aan rabitaankeenna ku soo dooranay in uu raali ka yahay qalalaasahaan socda, in ciidamadii Soomaaliyeed oo loo tobabaray naba-diidka ay soo weerareen xarunta golaha Shacabka,  wasiirradii aan shaqada u ansixinnay oo aan kalsoonida siinay waxaa ay shaqo ka dhigteen Baarlamaanka, madaxweyne Farmaajo aan ku dooranay rabitaanka Shacabka in uu ka soo bixi waayo waajibkii loo doortay uuna niyad jabiyey Shacabkii oo aan wax aan laga fileynin in lagala kulmay aad ayaan uga xumahay “ ayay Xildhibaan Xaniifa sheegtay.