Xildhibaano Mooshin ka keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

536

Qaar ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Mooshin ka gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kadib markii maanta ay warbaahinta kula hadleen magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada oo soo saaray warqad qoraal ah oo ay warbaahinta u aqriyeen ayaa ujeedka Mooshinkooda waxa ay ku sheegeen in ay kalsoonida kala noqdaan Guddoomiye Jawaari.

Qodobada ay ku eedeeyeen waxaa ka mid ah xil gudasho la’aan, Ku xad gudubka Dastuurka iyo Xeer hoosaadka Golaha Shacabka, Ku takrifal awoodeed iyo caburinta xildhibaanada iyo dhisid la’aanta Guddiyada Baarlamaanka.

Hoos ka akhriso warqadda Mooshinka ah ee laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

SHARE