Wararka aan ka helayno magaalada Jowhar ee xarunta KMG ah ee maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in labo xildhibaan oo ka mid ah baarlamaanka maamulkaasi oo saarnaa gaari nooca raaxada ah uu rasaas ku furay askari ka tirsan ciidamada milatariga bartamaha magaalada Jowhar.
Maxamed Cismaan Gacaney ayaa oo ka mid ahaa xildhibaanada la rasaaseeyay ayaa lagu waramayaa in dhaawac fudud uu soo gaaray halka xildhibaanka kale oo Maxamed Yuusuf Colow la yirahdo aan wax dhaawac ah soo gaarin.
Askariga rasaasta ku furay gaariga ay saarnaayeen xildhibaanada ayaa haatan ku xiran saldhiga booliska magaalada Jowhar sida warbaahinta Ummaddamedia ay u sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Xildhibaan Maxamed Yusuf Colow, oo u waramay warbaahinta gobalka ayaa sheegay inuusan fahmi karin sababta uu askariga la doonayay in uu sugo amnigooda uu rasaasta ugu furay.
Waa markii ugu horeysay ee xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Hirshabelle lagu dhaawaco xarunta ku meel gaar ka ah ee maamulkaasi.