Xildhibaano ka tirsan BFS oo diyaariyay mooshin ka dhan ah Kenya

30

Qaar ka mid ah mudanayaasha aqalka hoose ee barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay diyaariyeen mooshin Ciidanka Kenya dalka looga saarayo.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa iyo Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac ayaa sheegay in Xildhibaannada ay dhameystireen Mooshin ka dhan ah dowladda Kenya.

Xildhibaannada ayaa sheegay in Mooshinkaas golaha shacabka la horgeynayo  marka uu furmo fadhiga Baarlamaanka bisha September ee inagu soo aadan.

Maxamed Cumar Dhalxa ayaa sheegay in Mooshinka ay saxiixeen Xildhibaanno ku filan balse oo kelliya la sugayo inta uu ka furmayo fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya.

Mooshinkan ayey sheegeen in uu daba socdo go’aan Golaha Baarlamaanka Kenya ay u gudbiyeen Xukuumadda Kenya oo ahaa in biyaha Soomaaliya ee ay Kenya xoogga ku dooneyso laga difaaco Soomaaliya.

Kenya ayaa si toos ah ugu lug leh arrimaha doorashada Soomaaliya gaar ahaanna dowlad Goboleedka Jubaland oo ay taageersan tahay Axmed Madoobe.

SHARE