Xildhibaano Beesha Caalamka ugu baaqay inay faraha kala baxdo Mooshinka Jawaari

716

Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa fariin u diray Xubnaha Beesha caalamka inay faraha kala baxaan arrimaha u gaarka ah Xildhibaanada Soomaaliya.

Warar soo baxayay ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Beesha Caalamka faragelin muuqata ay ku hayaan arrimaha la xiriira Mooshinka laga keenay Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada saxiixay Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Baarlamaanka la siiyo madax banaani ku aadan inay qabsadaan hawlahooda.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Xubnaha Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya looga baahan yahay inay fara kala baxaan arrimaha siyaasadeed ee maalmahaan ka dhex taagan Golaha shacabka.

Dhawaan ayay ahayd markii warqad ka soo baxday Beesha Caalamka baaq loogu diray Xildhibaanada Golaha Shacabka, baaqaasi oo ahaa in khilaafka siyaasadeed ee taagan lagu xaliyo hab sharci ah.