Xildhibaannada DF oo Ansixiyay Sharciga Maareynta Maaliyadda

91

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyada, Miisaaniyadda, Qorsheynta iyo Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee golaha Shacabka Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraji ayaa Xildhibaanada Golaha uga mahad celiyay ansixinta sharcigan.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa  sheegay in maadaamaa maalmihii lasoo dhaafay joogta noqotay Xildhibaanada kulamada golaha ka maqan, aan marnaba loo dul qaadan doonin Xildhibaan ka maqnaada kulamada golaha, isla markaana Xildhibaankii sabab la’aan maqnaada kulamada golaha ay la tiigsan doonaan Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka.

Sharcigan la ansixiyay ayaa ah maaraynta akoonada iyo xisaabaadka dowladda, wuxuuna la xiriira xafiiska xisaabiyaha guud ee dowladda federaalka Soomaaliya.

SHARE