Muqdisho (UM) – Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in ay yeeshaan kulankoodi ugu horreeyey ee Kal-fadhiga 3-aad.
Ajandayaasha ugu horreeya ee laga doodi doono ayaa waxaa ka mid ah in ay dood dheer ka yeeshaan xeerka shirkadda DP World ka mamnuucaya in ay ka hawlgasho Soomaaliya.
Xoghayaha guud ee Golaha Aqalka Sare Cali Maxamed Jaamac ayaa Saxaafadda u sheegay in kulanka maanta mudanayaasha Aqalka Sare ay kaga hadli doonaan arrimo uu ugu horeeyo xeerkaasi ee Shirkadda DP World.
Xildhibaannada Golaha Shacabaka ayaa shalay u coddeeyay xeerka ka mamnuucaya Shirkadda DP World geyiga Soomaaliya, iyagoo sidoo kale waxba kama jiraan la dhigay heshiiskii Shirkadda DP World la gashay Somaliland iyo Itoobiya.