Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari oo war soo saaray

1017
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Ku sugan xarunta Golaha Shacabka (GOOGLE)

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya kuwa Mooshinka ka keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen Ku sheegay in Guddoomiyaha uu Jabiyay qodobo badan oo ah Dastuurka, Xeerhoosaadka iyo shuruucda dalka u yaala sida ay sheegeen.

Xildhibaanadan warka soo saaray ayaa sheegay in ay tiradooda ay gaarayso 223 xildhibaan kuwaasi oo isugu jira kuwa Mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari iyo kuwa taageersan Mooshinka.

“Waxaan halkan Shacabka Soomaaliyeed uga cadeynaynaa in Guddoomiyaha Mooshinka laga keenay uu jebiyay qodobo badan oo ah Dastuurka, Xeerhoosaadka iyo shuruucda dalka u yaala” ayay Ku sheegeen warka qoraalka ah ee ay soo saareen.

Waxaa ay Guddoomiyaha Baarlamaanka ay Ku eedeeyeen inuu jabiyay Saraynta Dastuurka dalka iyo waliba qodobka 68-aad ee Xeer-hoosaadka Baarlamaanka sida ay Xildhibaanada warka ay soo saareen ay Ku yirahdeen.

“Gudoomiyahu maanta waa uu ka baxay dhexdhexaad-nimadii oo koox yar oo Xildhibaano ah ayuu hormuud u noqday” ayay intaasi Ku darren.

Halkan ka akhriso warka ay soo saareen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo Mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaar

Anagoo ah Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari iyo Xildhibaanada taageeray Mooshinkaas oo wadar ahaan tiradoodu tahay 223 Xildhibaan, Waxaan halkan Shacabka Soomaaliyeed uga cadeynaynaa in Guddoomiyaha Mooshinka laga keenay uu jebiyay qodobo badan oo ah Dastuurka, Xeerhoosaadka iyo shuruucda dalka u yaala kuwaas oo kala ah: 1. Guddoomiyaha Mooshinka laga keenay wuxuu jebiyay Qodobka afaraad: Saraynta Dastuurka Soomaaliya, Faqradiisa 1-aad. 2. Guddoomiyuha Mooshinka laga keenay wuxuu jebiyay Dastuurka Qodobka 68-aad Xeer hoosaadka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Faqradiisa 1-aad. 3. Guddoomiyaha Mooshinka laga keenay wuxuu jebiyay Dastuurka Qodobka 65-aad, Faqradiisa 3aad “Guddoomiyuhu inta uusan qaban xillka waa in uu ka tanaasulo xil kasta oo uu ka hayo xisbi siyaasadeed, waana inuu noqdo dhexdhexaad marka uu gudanayo xilkiisa“. Gudoomiyahu maanta waa uu ka baxay dhexdhexaad-nimadii oo koox yar oo Xildhibaano ah ayuu hormuud u noqday. 4. Guddoomiyaha Mooshinka laga keenay waxa uu jebiyay Dastuurka Qodobka 111D, Guddiga Adeega Baarlamaanka, Qodobkan dastuuriga ah waa qodob aad u muhiim ah wuxuu ka hadlayaa in la dhiso Guddiga adeega Baarlamaanka. Guddigan waxa ay aheyd in la dhiso sanadkii 2012-ka kal fadhigii ugu horeeyey ee Baarlamaankii 9-aad sida ku cad Dastuurka Federaalka, kasoo 6 sanno kadib ilaa hadda uusan dhisneyn. Guddigan Hawshiisu waxay tahay sida Dastuurka Qodobka 111D, Faqradiisa 4-aad ku cad. Guddiga Howlaha baarlamaanku waa inuu mas’uul ka noqdaa: a) Adeegyada iyo fududeynta si loo hubiyo wanaaga iyo hawlgalka fiican ee Baarlamaanka Federaalka. b) Abuuris xafiisayadda taageeraya adeegga Baarlamaanka iyo magacaabidda iyo kor ka maamulka masuuliyiinta xafiisyada;