Mooshinkii Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Maamulkaasi ay ka gudbiyeen Madaxweyne Waare ayay la laabteen kadib heshiis ay ka gareen dhinacyadii is hayey sida lagu xusay war qoraal ah oo laga soo saaray isla maamulkaasi.
Kulankan arintan lagu shaacinayay oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, ku xigeenkiisa Cali Cabdulahi Xuseen (Guudlaawe) guddoomiyaha baarlamanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed, labadiisa ku xigeen iyo xildhibannada mooshinka ka laabtay.
Guddoomiyaha baarlamanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa sheegay in la isku afgartay in iyadoo la eegayo danaha dadka degan Hirshabeelle laga laabtay mooshinkii laga keenay madaxweyne Waare.
“Mooshinkii laga keenay madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, wada hadal dheer kadib waxaa la isku afgartay in laga noqdo iyadoo loo daneynayo danaha dadka degan Hirshabeelle”ayuu yiri guddoomiyaha baarlamanka Hirshabeelle.
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdulahi Xuseen ayaa bogaadiyay go’aanka xildhibannada ay uga noqdeen mooshinkii ay ka keeneen madaxweynaha Hirshabeelle.
Hogaamiyihii ka horeeyay Waare, Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa sidaan oo kale khilaaf kadib Mooshin looga keenay xilkii looga qaadey sanadkii tagey dhamaadkiisa, isagoo mudo yar xafiiska jooga.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa bishii lasooa dhaafay heshiis la gashay Waare maalmo kadib markii uu kasoo laabtay Shirkii Kismaayo, oo 8-dii September laga soo saarey War-murtiyeed ay hogaamiyayaasha maamullada xiriirka ugu jareen Villa Somalia.