Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ka doodaya Miisaaniyadda 2018-ka

928

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya  ayaa maanta lagu wadaa in ay ka doodaan ansixinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2018-ka.

Miisaaniyaddaan ayaa  dhawaan waxaa ansaxiyay golaha wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya waxaana  Golaha Shacabka hor gaysay wasaaradda Maaliyadda.

Miisaniyaddaan ayaa gaareysa  $374 Milyen oo Dollar, taasi oo ka badan miisaaniyadii 2017-kii.

Sida uu qabo shuruucda iyo xeer hoosaadka Golaha Shacabka,marka la ansixinayo hindise sharciyeed kasta amma miisaaniyad kasta waxaa la marsiiyaa aqrinta koowaad iyo tan labaada iyadoo kadib loo gudbo ansixinta oo inta badan u dhacda qaab gacan taag ah.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa fasax galaya marka la gaaro 16 Bishan December,sida uu horey u sheegay guddoonka Golaha Shacabka.