Xildhibaanada dal Afrikaan ah oo laga mamnuucay safarada dibadda

829
Wiilka madaxweynaha Equitorial Guinea ahna madaxweyne ku xigeenka.

Xildhibaanada dalka Equatorial Guinea ee dhaca bartamaha qaaradda Afrika ayaa laga mamnuucay in ay u baxaan safarro dibadda ah iyaga oon fasax ka heysan madaxweyne ku xigeenka dalkaas Teodorin Nguema  oo ah wiilka madaxweynaha dalkaasi.

War ay heshay wakaaladda wararka AFP ayaa sidaan u qornaa” Iyada oo laga duulayo danaha dalka waxaa xildhibaanada dalka la farayaa in ay  ka hor inta aysan safrin ay codsi u gudbiyaan guddoomiyaha baarlamaanka iyada oo ay la socoto xukuumadda  uu hoggaamiyo madaxweyne kuxigeenka.

Amarkaan oo kale ayaa bishii Juun la dul dhigay shaqaalaha rayidka ah, waxaana ilo xog ogaal ay u sababeeyeen amarkaan afgambigii dhicisoobay ee dhacay bishii Disember sannadkii 2017 oo  baaritaankii ka soo baxay ay dawladdu shaacisay bishii Jannaayo ee sannadka 2018ka.

Dawladda Equatorial Guinea ayaa sheegtay in  afgambigii dhicisoobay ay ka qayb qaateen koox kala timid dalalka Jaad, Suudaan iyo Jamhuuriyadda Afrikada dhexe, ha se ahaatee ay madax u ahaayeen shaqaale  ka tirsan dawladda Equatorial Guinea oo safarro ku tagay qaaradda Yurub.

Safiirkii  hore ee dalka Equatorial Guinea u fadhiyay  Jaad  iyo saraakiil kale ayaa la xiray horraantii sannadkaan, iyaga oo ilaa haddana aan maxkamad la soo taagin.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Equatorial Guinea ayay horey maxkamad ku taal dalka Faransa ugu ridday  xabsi saddax sanno ah  iyo ganaax  lacageed oo gaaraya 30 Milyan oo dollar , markii lagu helay in uu sameeyay wax isdaba marin iyo musuqmaasuq.

Madaxweynaha dalka Equatorial Guinea  Teodor Obiang Nguema  Mbasogo ayaa ka mid ah madaxda ugu xilliga dheer  qaaradda Afrika, isaga oo xukunka hayay muddo gaareeysa 38 sanno.