Xildhibaanada Aqalka Sare oo su’aalo waydiyay wasiirka arrimaha dibadda

881

Muqdisho (UM) – Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxaa hor tagay wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Yuusuf Garaad Cumar wasiirka Arrimaha Dibadda  ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ugu horreyn mudaneyaasha Aqalka sare warbixin guud ka siiyey howl-qabadka wasaaradda ee dhinacyaa horumarka iyo dedaallada ay hadda ku howlan tahay oo uu si dheelitiran u uga warbixiyey.

Mudaneyaasha Golaha Aqalka sare ka dib waxaa ay  u gudbeen su’aallo weydiin toos aheyd oo ku socotay wasiirka Arrimaha Dibedda.

Kulanka waxaa shir  guddoominayey guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare  Abshir Bukhaari.

Mudaneyaasha Aqalka sare ayaa su”aalo ay weydiinta wasiirku waxaa ay  xoogga ku saarayeen  arrimaha Maxabiista weli dalka dibeddiisa ku xiran, Safaaradaha dalalka Caalamka ay Soomaaliya ku leedaha iyo sida ay u shaqeeyaan, xiriirka Caalamiga ah, Baasaboorka Diblomaasiga iyo Arrimo kale.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa  uga mahadceliyey mudaneyaasha Aqalka sare Su’aallaha ay weydiiyeen, waxa uu tilaammooyin ka bixiyey dhammaan su’aalihi la weydiiyey.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha aqalka sare ahna ku simaha guddoomiyaha Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) in kulan kale la isugi imaan doono si loo dhammeystiro su’aallo weydiinta wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya.