Xildhibaanada Aqalka Sare oo maanta ka dooday khilaafka dowladda dhexe iyo maamul gobaleedyada

824

Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta kulan ku yeeshay Muqdisho.

Kulanka waxaa shir guddoominaayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi, waxaana goobjoog ahaa inta badan Xubnaha Aqalka Sare.

Xubnaha Aqalka Sare ayaa dood adag ka yeeshay Khilaafka u dhaxeeya Dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyada Dalka.

Sidoo kale waxa ay dood ka yeeshay shirkii Madaxda Maamul goboleedyada ay ku yeesheen Magaalada Kismaayo iyo qodobadii ka soo baxay.

Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku kala aragti duwanaaday qodobadii ka soo baxay Shirkii Kismaayo lagu qabtay.

Sanatarada qaar ayaa soo jeediyay in shirkaasi uu ahaa mid ay ku saxnaayeen Madaxda Maamul goboleedyada isla markaana go’aanada ka soo baxay uu ahaa mid waxtar leh halka Sanatarada qaar ay ku doodeen in Shirka Kismaayo uu ahaa shir lagu duminaayay dowladnimada Soomaaliya.

Dooda oo waqti badan qaadatay ayaa waxaanan ka soo bixin wax natiijo ah,waxaana Xubnaha ay noqdeen kuwa u kala qeybsama labo dhinac.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in maalinta barito ah dooda halkeeda laga sii wadayo isla markaana go’aan mideysan laga soo saarayo Khilaafka u dhaxeeya Dowladda dhexe iyo Maamul goboleedyada Dalka.

Shalay ayay ahayd markii golaha ay ku mideysan yihiin Madaxda Maamul goboleedyada dalka oo uu gudddoomiye ka yahay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ay soo saareen war murtiyeed ka koobnaa qodobo badan oo lagu dhaliilaayay dowladda dhexe ee dalka sidoo kalena baaq loogu jeediyay.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shir isugu yeeray Madaxda Maamul goboleedyada dalka, waxaana shirkaasi uu ka dhacaya Magaalada Muqdisho 28 Bishaan Octoober.