Xildhibaan Mahad Salaad: ‘Amisom waxa ay gaysatay fal ka baxsan heshiiskii ay ku joogtay Soomaaliya’

26

Muqdisho (UM) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay dilkii shalay ciidamada Burundi ee ka tirsan hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Amisom ugu geysteen dad shacab ah xaafada Ex-Kontoraal Balcad ee degmada Hilwaa.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ku eedeeyay ciidamada Amisom in ay xasuuqeen dad shacab ah iyagoo goobahoodii shaqo ku jira inta lagala soo baxay oo laamagi dhexdiisa la keenay lagu dhex toogtay si sharciga ka baxsan iyo bini’aadanimadana ka baxsan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in falka Amisom gaysatay uu yahay mid sharuucda caalamiga ah ee adduunka u yaalla ka baxsan sidoo kale ka baxsan heshiiskii Amisom ay ku joogtay dalka Soomaaliya oo ay dowladda Soomaaliya la gashay.

” Runtii aad iyo aad ayaan arrintaasi uga xunahay waan uga tacsiyaynaynaa ummaddii Soomaaliyeed ee dhibaatadaasi soo gaartay.  Sidoo kale waxaan cambaraynaynaa falkaasi aadka iyo aadka u fooshaxun oo ay ciidamada Amisom ay geysteen, waa wax aad iyo aad looga xumaado, waa arrin runtii qalbi jab ku noqotay ummadda Soomaaliyeed meelkastay joogaan, waa arrin xadgudub iyo niyad jabna ku ah sidoo kale wixii ay ka filayeen ummdda soomaaliyeed  in ay la qabtaan ciidamada nabad ilaalinta amisom ee Soomaaliya nabad ilaalinta u jooga” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad oo warfidiyeenka la hadlayay maanta.

Waxa uu sheegay in maanta agendaha Golaha Shacabka ay qodobka kowaad ka ahayd arrintaan in looga dooddo oo go’aan laga gaaro dadkii gaystay fal dambiyadaaskaas sharcigana loo horkeeni lahaa balse fadhiga Baarlamaanka kooram la’aan uu u baaqday.

Xildhibaanka ayaa sheegay in sidoo kale in sharciga dalka ay la tiigsan doonaa iyo kan caalamiga ahba in talaabo sharci ah laga qaado ciddii dambigaas gaysatayna sharciga la horkeeno iyo sidoo kale ciddii bixisay amarka lagu laayay dadkaasi.

Ciidamada Amisom ee hawlgalka u jooga Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay lahayeen dad shacab ah shalay subixii kaddib markii kolonyo ay wateen qarax miino loogu gaystay waddada ex-Kontoraal Balcad ee magaalada Muqdisho.

Hooska daawo Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ka hadlay dilka Amisom dad shacab ah ugu gaysatay magaalada Muqdisho shalay

SHARE