Muqidisho (UM) – Allaha U naxariistee, Waxaa xalay ku geeriyooday Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho Xildhibaan Khaliif Cabdullahi oo ka ka tirsanaa xubanaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,oo la sheegay inuu maalmahaan xanuunsanayay.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka baxay Allaha U naxariistee Xildhibaan Khaliif Cabdullaahi.
Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay inuu ka waraabiyo Janatul Firdowsa, waxaana uu guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida ku timid Allaha U naxariistee Xildhibaan Khaliif Cabdullaahi.
Sidoo kale Siihayaha Guddoomiyaha Golaha Shacabaka, Ahna Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka C/wali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa isna ka tacsiyeeyey geerida ku timid Xildhibaan Khaliif Cabdullaahi Duurey oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Xildhibaanka xalay geeriyooday ayaa ka mid ahaa mudaneyaasha Golaha Shacabka ee laga soo doortay deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, waxana la sheegay in dhawaanahaan uu ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho.