Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka oo Muqdisho Covid-19 ugu geeriyooday

702
Sawirka waa Allaha u naxariistee Axmed Dhimbil Rooble.

Muqdisho – Allah ha unaxariistee waxaa maanta ku geeriyooday Isbitaal Martiini ee magaalada Muqdisho Xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe) oo kamid ahaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Casoowe ayaa wararku sheegayaan inuu maalmahaan la xanuunsanaa cudurka Covid-19 kaddib markii la jiifiyay Isbitaal Martiini.

Madaxda dowladda Federaalka iyo Guddoonka Baarlamaanka ayaa ka tacsiyeeyey geerida Xildhibaan Casoowe.

Xildhibaan Casoowe ayaa ka mid ahaa mudanayaasha waaya aragga ah ee ka tirsanaa muddo Baarlamaanka.