Xildhibaan Faarax Sheikh Cabdiqaadir “Waa inaynu meel uga soo wada jeedsanaa cadawga ina wada beegsanaya inagoo hal ah”

1358

iyadoo 14 ka bishan aynu ku jirno ay caasimadda Muqdisho uu ka dhacay qarax lagula beegsaday shacabka Soomaaliyeed kaas oo lagu galaaftay nolosha ku dhawaad 300 qof halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen ayay mas’uuliyiinta Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee shacabku ay muujiyanayeen dareenkooda ku aadan weerarkaasi arxan la’aanta ah.

Haddaba, xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa ku baaqay in dhacdadii Zoobe ee lagu xasuuqay dadka faraha badan loo midoobo, isla markaasna ay noqoto midii soo afjari lahayd fal noocan oo kale ah inuu dib dambe u soo laabto isagoo ka tacsiyadeeyay dadkii ku shahiiday una Alle baryey kuwii dhaawacmay inuu bogsiiyo. 

Xildhibaanka oo la hadlayay Telefishinka SNTV ayaa sheegay in Qaraxii Zoobe ka dhacay Sabtidii la soo dhaafay uu ahaa wax aan la arag oo murugo sababay.

Faarax C/qaadir ayaa sheegay in Argagixisada ay cid kasta beegsaneyso, cid walba ay bartilmaameed u tahay, isgaoo tusaale u soo qaatay dadkii lagu laayay Zoobe ay isugu jiraan cid walba oo bulshada ka mid ah sida dadka dan yarta.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dhacdadan ay shacabka bartio inay joojiyaan caadifadda iyo kala aragti duwnaanshaha, isagoo yiri  “argagixisada iyo annaga waa inaan kala baxnaa, mana garanayo meel weerar lagu qaaday oo hal goor ay ku naf-waayeen in ka badan 300 oo qof, midnimo ayaa muhiim ah” ayuu yiri Xildhibaan Faarax C/qaadir.

Xildhibaanadda Soomaaliya ayaa iyaguna sheegay inay lacag ugu yaboheen loogu gurmanayo dadkii ku waxyeeloobay Qaraxa arxan daradda ah, iyagoo sheegay inay isku duba ridayaan dadaalo ay uga qeyb qaadanayaan howlaha gurmadka iyo samatabixinta.