Xildhibaan Faarax Cabdulqaadir oo ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federalka iyo Jubbaland

1123

Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed oo ahaa saxiixihii heshiiskii lagu soo afjaray dagaalkii dhexmaray Jubbaland iyo dawladdii Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalayay kulan dood wadaag ah oo looga hadlayay arrimaha hadda taagan ee DFS iyo Jubbaland, ayaa markii ugu horeysay sharaxay qodobo dheeraad ah.

Xildhibaan Faarax ayaa ku dheeraaday ayaamihii dawlad la’aanta Soomaaliya, qaadashadii Nidaamka Federaalka ee xalka la bidey, dhismihii Jubbaland, Faragalinta wadamada Shisheeye iyo talaabooyinka dawladda Soomaaliya.

Faarax oo ka mid ahaa xubnihii horseedka u ahaa wada hadaladii Jubbaland iyo dowladii Federaalka ee uu hogmaaniyay Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Soomaalida ay waajib tahay in ay wada hadlaan, isagoona dowladda Federalka Soomaaliya u soo jeediyay inay kala saarto khiaafka kala dhexeeya hoggaanka sare ee maamulka Jubbaland iyo doorashadii ka dhacday Kismaayo, ee dib loogu doortay Axmed Madoobe.

Xildhibaanka ayaa ka hadlay arrimaha sheegaya in ay Kenya doonayso in ay taageero damaceeda siyaasadeed uga hesho Jubbaland, laakiin taasi ayuu si cad u sheegay in aysan Jubbaland waxba ku tari karin Kenya, gaar ahaana marka ay taagan tahay arrimaha labo dal u dhaxeeya.

“Waxa Kenya iyo Soomaaliya u dhaxeeya, wax maamulka Jubbaland u fulin karro Kenya maaha, waxyaabaha aan ku amaanayo Maamulkii Axmed Madoobe madaxda kasoo ahaa waxaa kamid ah in mushkiladaha dhexyaala Soomaaliya iyo Kenya oo ay ka mid tahay arrinta badda in aynaan marna xaduud ahaato ama bad ahaato in aysan marnaba Kenya la jirsan” ayuu yiri Xildhibaan Faarax Cabdulqaadir.

SHARE