
Madaxweynaha Mardykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa in laga dhaafo xil ka xayuubinta kaddib markii Aqalka Senateka uu cod ku diiday in la keeno caddeymo cusub ama loo yeero marqaatiyaal kale.
Siyaasiyiinta Dimuqraadiga ah ayaa ku rejo weynaa in xubnaha qaar ee xisbiga Jamhuuriga ay u codeyn doonaan in caddeymo cusub la keeno, hase ahaate taas ayaan dhicin oo xubnaha Senateka ayaa u codeeyay in aan la keenin wax caddeymo cusub ah , sidaasna loogu codeyn doono in Trump ama laga bari yeelo ama lagu helo dambiga lagu eedeeyay.
Labo xubnood oo ka tirsan afarta xubnood ee xisbiga Jamhuuriga ah ayaa la codeeyay xisbiga Dimuqraadiga ah, waxaana ay taasi hubanti ka dhigeysa in Trump gabi ahaanba laga bari yeeli doono waxa loo heysto oo horseedi karay xil ka xayuubin.
Xubnaha xisbiga Jamhuuriga ee aqalka Senateka ayaa gadaal ka riixiyay in la dadajiyo baaritaanka Trump si ay uga fogaadaan in la dalbado caddeymo cusub ama marqaatiyaal, taas oo ay uga shaki qabeen in uu noqon karo la taliyihii hore ee amniga qaranka Madaxweyne Trump John Bolton .
John Bolton ayaa sida uu qoray wargeyska New York Times waxa uu buuggiisa soo bixi raba ku sheegay in Trump uu ku amray hakinta caawimaadda Ukraine inta ay baarayaan wiilka Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden.
Aqalka Senate ayaa 5ta bisha Febuary u codeyn doona in bari yeelaan ama dambi ku helaan Madaxweyne Trump oo dhawaanahaanba lagu hayay baaritaan la xiriira in uu si qaldan awooddiisa u isticmaalay, isaga oo dowladda Ukraine ku cadaadiyay in ay ciqaabto wiilka ninka ay siyaasadda isku hayaan ee Joe Biden oo ka mid madaxda sare ee shirkadda gaaska dalka Ukraine ee Burisma.
Horay ayay Aqalka wakiilada Mareykanka ugu heleen in uu si qaldan u istcimaalay awooddiisa, taas oo keentay in xil ka xayuubin isku raacaan.