
Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in Midowga Yurub ay wadaan olola ka dhan ah Ruushka taasi oo ay huriyeen Britain iyo Mareykanka.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa ka dib markii Midowga Yurub ay dib ugu yeereen safiirkoodii Moscow,waxa ay sheegtay wasaardu in xukuumadaha London iyo Washington ay isku dayayaan in ay ka hortagaan xaaladda soo hagaagaysa ee qaaradda Yurub.
Dhanka kale wadamada xubnaha ka ah midowga Yurub ayaa ka baaraandagaya in dublamaasiyiinta Ruushka ay dalalkooda ka cayrinayaan iyo in kale.
Ururka midowga Yurub ayaa waxa ay si adag uga jawaabeen isku daygii dil ee nin horey uga tirsanaan jiray sirdoonka Ruushka oo ku sugnaa dalka Britain.
Midowga Yurub ayaa waxa ay sheegeen in xukuumadda London ay ku raacsan yihiin in ay aad u sareyso suurtagalnimada in Ruushka ay fuliyeen weerarkaasi.
Midowgga Yurub ayaa waxa ay sidoo kale dib ugu yeereen safiiirkii u fadhiyay magaaladda Moscow.
Xukuumadda Moscow ayaa canbaaraysay tallaabadan oo ay ku tilmaamatay mid dagaal.
Britain iyo Ruushka ayaa goradda iskula jira ka dib markii ay UK ku eedeeysay Ruushka in ay ka dambeeyeen sumayntii nin horey uga tirsanaa sirdoonka Ruushka iyo gabadhiisa.
BBC Somali