Maamulka Galmudug ayaa ka jawaabay hadal shalay kasoo baxay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doorto degaanada maamulka Galmudug.
Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamuud Xasan Masagaway oo Warbaahinta kula hadlay Caasimadda Galmudug ayaa sheegay in Xildhibaanada Dowladda Soomaaliya ee kasoo jeedda degaanada Galmudug in ay qabsadaan shaqooyinkii loo idmay.
Wasiirka waxaa uu sheegay in warkii shalay kasoo baxay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya uu u muuqday mid baalmarsan Sharciga maamulka Galmudug.
Waxaa uu ugu baaqay dowladda Dhexe , Beesha Caalamka iyo dowlad goboleedyadda in aan lasoo faragelin howlaha dib u heshiisiinta ee ka socota Magaalada Dhuusmareeb.
Hadalkaan ayaa waxaa kusoo beegmaya xilli shalay xildhibaanada dowladda Dhexe ee laga soo doorto degaanada Galmudug ay sheegeen in ay kasoo horjeeddaan qaabkii loo maray dib u heshiisiinta Galmudug iyo Ahlusunna.
Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa horay ugu baaqday dhinacyada isku haaya xiisadda siyaasadeed ee Galmudug inay 30-ka bishan kusoo xaadiraan magaalada Muqdisho si loo xaliyo xiisadda siyaasadeed ee ka dhex aloosan maamulka Galmudug, kuwaasi oo labor garab u kala jabay, ayadoo madaxwaynaha maamulka uu garab hogaaminayo Halka garabka kalena uu hogaaminayo madaxwayne Ku xigeenka maamulka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka.
Garabka madaxwayne Ku xigeenka maamulka Galmudug oo caawa la hadlay mid ka mid ah warbaahinta Gudaha ayaa waxaa ay sheegeen inay ajiibeen baaqii wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ahaa in ay 30-ka bishan ay labada dhinac Ku soo xaadiraan magaalada Muqdisho.