Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa ka soo kordhay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa hoggaanka sare ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Xiisada siyaasadeed ayaa la sheegay in ka dhalatay kaddib markii khilaaf uu soo kala dhexgalay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Maxamed Cumar iyo wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Itoobiya sidoo kalena ah Guddoomiyaha xisbiga Dimuqraadiga Shacbiga Soomaalida Itoobiya Axmed Shidde.
Wararka laga helayo magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegaya in xubnaha Golaha wasiirrada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya la filayo in ay maanta kulan ku yeeshaan aqalka madaxtooyada. Shirkaan ayaa daba socda kaddib markii labo jeer looga yeeray magaalada Addis Ababa madaxweynaba dowlad deeegaanka Soomalida Mudtafe Maxamed Cumar.
Madaxweyne Mustafe ayaa la sheegay in muddadii uu xilka hayay soo wajahday caqabado dhawr ah oo ay ka mid yihiin arrinta dagaalada qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada u dhexeeya. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in madaxweyne Mustafe iyo wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Itoobiya Axmed Shidde isku hayaan arrimo ku saabsan hoggaanka dowlad Deegaanka Soomaalida iyo isbeddelada siyaasadeed ee uu waddo madaxweyne Mustafe inkasta oo aan la xaqiijin.
Madaxweynaha dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cumar ayaa xilka madaxweynaha qabtay bishii Agoosto ee sanadkii hore.