Xidigaha Manchester United oo hogaaminaya ciyaartoyda Maaliyadahooda loogu iibsiga badan yahay

1672

Waxaa la soo saaray xiddigaha loogu iibsiga badan yahay maaliyadahooda sanadka 2017 waxaase yaab noqotay in meelaha sare laga waayay Lionel Messi, Cristiano Ronaldo iyo Neymar.

Manchester United ayaa saddex laacib ku leh 5 ta sare ee maaliyadahooda loogu iibsiga badan yahay.

Paul Pogba ayaa kaalinta koowaad ku soo baxay, dhaliyaha cusub ee Manchester United Romelu Lukaku ayaa labaad soo galay halka uu Rashford si lama filaan ah ku soo galay kaalinta 5-aad.

Eden Hazard ayaa ku jira kaalinta 3-aad halka saxiixii ugu waynaa ay Arsenal sameysay xagaagan Alexandre Lacazette uu soo galay kaalinta 4-aad.

Harry Kane, Sadio Mane, Lionel Messi,  Philippe Coutinho iyo Zlatan Ibrahimovic ayaa soo dhammeystiray liiska 10-ka sare.

Cristiano Ronaldo ayaa ku jira kaalinta 15-aad halka saxiixii ugu qaalisanaa ebid kubbada cagta ee Neymar uu ku jiro kaalinta 18-aad

SHARE