Xiddiga dunida ugu qaalisan ee Neymar Jr, ayaa gaaray seddex boqol (300) oo gool kullamadda uu ciyaaray kooxaha iyo qarankiisa.
Laacibka ayaa kooxda reer Brazil ee Santos u dhalliyay 136 gool, qarankiisa Brazil ayaa waxaa u ansixiyay 52 gool, kooxda reer Spain ee Barcelona ayuu shabbaqa u dhiggay 105 gool halka naadiga uu dhawaan ku biiray ee Paris Saint Garmain uu u dhalliyay 7 gool.
Neymar, ayaa noqday xiddiga ugu qaalisan kubbadda cagta adduunka kaddib markii ay kooxda PSG kusoo iibsatay 200 milyan oo bound.