Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Maxamuud Xasan Cismaan oo xalay shir jaraa’’id ku qabtay xarunta telefishanka dowladda ee Garoowe ayaa ka hadlay 5 qof oo u xiran dowlad goboleedka Puntland oo saddex ka mid ah ay yihiin xubno ka mid ah guddiga horumarinta Bosaaso.
Wuxuu sheegay in xubnahaasi la soo eedeeyay oo ay u xiran yihiin sharciga, islamarkaana la soo marsiiyay hannaankii saxda ahaa ee sharciga
“Eedeysaneyaasha Bosaso iyo Garoowe ku xiran, madaxweynuhu ma amrin in la soo xiro, waxaa loo soo qabtey in ay ku xadgudbeen shuruucda u degan Puntland
Wuxuu sheegay in inta uu socda baaritaanka kiiskan ayan jirin cid soo faragashn karta ama talo ka bixin karta, w
“dadka hadda ka hadlay muwaadiniin la soo xiray, ma aqaano ujeedada ay ka leeyihiin, ma joogno Jasiiratul Waaq-waaq, dalka sharci buu leeyahay, horeyna dad waa loo eedeyn jiray, waana la soo xiri jira, Madaxweyne deni baan sii dayn Karin, madaxweyne farmaajo baan sii deyn Karin, Ra’isul wasaaraha ayaan si deyn Karin sharci baa xiray.
“Shakhsiyaadka ku xiran labada meelood, waxaan rabnaa in sharciga horgayno. Haddii eedayntu noqoto mid maangal ah ciqaabta uu sharcigu ogol yaha baa ku dhici doonta, haddii lagu waayo waa sii deyn doonta maxkamada” ayuu sii raaciyey.
Maalintii khamiistii ee toddobaadkii hore ayaa dowladda puntland waxay xirtay saddex xubnood oo ka tirsanaa guddiga horumarinta Bosaso, xubnahan ayaa ka shaqaynayay dhismaha wadada laamiga ee bartamaha Bosaso. Xubnahan ayaa loo xirxiray lacag 150 kun dollar oo dowladda Federaalku ku soo shubtay akoonka guddiga, taasi oo Puntland ay dalbatay in dib ay u celiyeen.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi oo khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Puntland ayaa dalbaday in la sii daayo xubnahaasi. dalabkaasi oo xeer ilaalinta Puntland ka hadashay.