Xeer ilaaliyaha dalka Venezuela oo maxkamadda sare weydiistay in xayiraad dhanka socdaalka lagu soo rogo hoggaamiyaha mucaaradka

555

Xeer ilaaliyaha dalka Venezuela oo maxkamadda sare weydiistay in xayiraad dhanka socdaalka lagu soo rogo hoggaamiyaha mucaaradka Dacwad oogaha dalka Venazuella ayaa maxkamadda sare ee dalkaas weydiistay in xayiraad dhanka safarka lagu soo rogo hoggaamiyaha mucaaradka Juan Guido, sidoo kale la hakiyo xisaabdkiisa.

Talaadadii ayuu dacwad oogaha dalka Vanezuela Tarek Saab Telefishinka ka sheegay in uu maxkamadda sare weydiistay in  ay bilaawdo dacwad horudhac oo ka dhan hoggaamiyaha iskiis madaxweynimada iskugu magacaabay ee Juan Guido. Baaritaanadaan uu dalbaday xeer ilaaliyaha guud ee Venezuella ayaa la xiriira rabshadihii ka dhacay dalka Venezuella wixii ka horreeyay 22 bisha Januray maalinka hor markii uu Juaan Guido ku dhawaaqay in uu yahay madaxweynaha ku meel gaarka ah ee dalka Venezuela.

Xeer ilaaliyaha ayaa waxa kale oo uu hoggaamiyaha mucaaradka ku eedeeyay in uu dalal shisheeye ku kaalmeynayo in ay faraha la soo galaan arrimaha gudaha dalka Venezuella.

Juan Guigo oo ah xildhibaan ay u dheertahay afhayeenimada aqalka wakiiiladda dalka Venezuella ayaa heysta xasaadnad ka dhan ah in dacwad lagu oogo, xasaanadaas oo kaliya ay ka qaadi karto maxkamadda sare.

Hoggaamiyaha mucaaradka Venezuella ayaa daqiiq yar uun kaddib hadalka xeer ilaalyaha sheegay in uusan dhayalsan karin in la xiro, hase ahaatee aysan taas ka joojineyn in uu sii wado ka hortaga waxa uu ku tilmaamay musiibooyinka bini aadanimo.

Dalal badan oo uu Mareykanku ka mid yahay ayaa Juan Guido waxay u aqoonsadeen Madaxweynaha dalka Venezuella, waxaana Mareykanku oo hormuud u ah taageerayaasha uu sheegay in hantida dibadda ee Venezuela lagu wareejin doono hoggaamiyaha mucaaradka. Madaxweyne Maduro ayaa isaga laftiida xulafo caalami ah haysta sida Ruushka iyo Turkiga.