Muqdisho (UM) – Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maaanta cod aqlabiyad leh ugu ansixiyay xeer hoosaadka Golaha Shacabka oo dib u eegis lagu sameeyay.
Xeer Hoosaadka Baarlamaanka oo dhawr mar mudanayaasha Baarlamaanka ay dood ka yeesheen ayaa waxaa maanta ogolaaday 170 xildhibaan, waxaa diiday 1 xildhibaan, wax ka aamusay ma jiro.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir Guddoominayay ayaa sheegay in dhammaan xildhibaannada ay cod wada ogol ah ku ansixiyeen xeer hoosaadka oo dib u eegis balaaran lagu sameeyay.
Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka ee maanta ay Baarlamaanku ansixiyeen ayaa kalfadhiyadii ugu dambeeyay Baarlamaankan doodo badan ka yeeshay.