Xassan Cali Kheyre oo shaaciyay Musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha

838

Muqdisho – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo hadlay tan iyo markii xilka laga qaaday ayaa si rasmi u shaaciyay xalay inuu u taagan yahay xilka Madaxweynaha ee doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo sanadka 2021-ka.

“Walaalayaal, waxaan shaki ku jirin in labaatankii sano ee la soo dhaafay ay dawlanimadeennu hore u socotay, tallaabadeeduba ha gaabnaatee. Muddo xileedkii 5aad ee geeddi socodkaas, ummadda Soomaliyeed waxaan ugu soo adeegay mas’uuliyad Ra’iisul Wasaare. Xilkaas oo waxna lagu soo qabtay, Alle mahadii waxna laga soo bartay”. Ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka iyo Facebook.

Kheyre ayaa sheegay in fikir iyo talo wadaag badan dheer kaddib uu go’aansaday inuu shaaciyo musharaxnimadiisa jagada Madaxweynaha Soomaaliya.

“waxaan fikir iyo talo wadaag dheer kaddib halkan idinkula wadaagayaa musharaxnimadayda jagada Madaxwaynaha JFS. Anigoo si dhab ah u fahamsan fursadaha iyo caqabadaha la xiriira hoggaaminta iyo waxqabadka dalkeennu u baahan yahay maanta iyo mustaqbalkaba, waxaan markale isu soo qaddimayaa in aan dadkayga ugu adeego si ay ku dheehan tahay karti, hufnaan iyo daacadnimo”. Ayuu yiri Xasan Kheyre Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Xasan Cali Kheyre oo 25 bishii July codka kalsoonida kala noqdeen Xukuumaddisii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyadoo ilaa iyo hadda uusan Madaxweyne Farmaajo Ra’iisul Wasaare cusub oo beddelaya uusan soo magacaabin.

Dad badan ayaa isweydiinaya sababta keentay in xilligaan Kheyre musharaxnimadiisa xilka Madaxweynaha uu shaaciyo isagoon wax xisbi ku jirin ama aan dhisin.