Xasan Sheekh oo ka hadlay xiisada diblomaasiyadeed ee ka dhex taagan Soomaaliya iyo Kenya

751

Muqdisho (UM) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay khilaafka diblomaasiyadeed ee soo kala dhexgalay Soomaaliya iyo Kenya.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay
go’aanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan ka jawaabta ay ka bixisay hadalkii ka soo baxay dowladda Kenya.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay xaq u leedahay gacan ku haynta, ka talinta iyo go’aan ka gaarista sugnaanta xuduuddaheeda iyo kheyraadka ku jira.

“Waxaa lagama maarmaan ah in la muujiyo siyaasad ku salaysan deris-wanaag, nabad iyo xasilooni kula noolaasho wadamada deriska ah, ayadoo la eegayo xiriirka dhaqan iyo dhaqaale ee ka dhexeeya shucuubta dalalka Soomaaliya iyo Kenya”. Ayuu ku yiri madaxweyne Xasan Sheekh qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku baaqay in xaaladda diblomaasiyadeed ee hadda ka dhex taagan Soomaaliya iyo Kenya la dejiyo, lagana warsugo Maxkamadda Caalamiga ah ee dacwadu hortaallo.

Dowladda Kenya ayaa sabtidii ku dhawaaqay in ay safiirkeeda ka jooga Soomaaliya dib ugu yeeratay, sidoo kalena dib u celisay safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya kaddib markii ay sheegtay in xaraash ay sheegtay in lagu sameeyay gayi badeedkeeda oo Soomaaliya ay shir ka dhacay London kusoo bandhigtay, sida lagu sheegay warka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.

Dowladda Soomaaliya oo warka soo saartay hadalka Kenya ayaa caddeysay in aysan jirin wax xirmooyin ah oo ay Kenya leedahay oo lagu soo bandhigay shirkii bandhigga xogta shidaalka Soomaaliya ee ka dhacay magaalada London ee dalka Ingiriiska horreentii bishaan February.