Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa dhalleeceeyey go’aankii lagu hor-istaagay safar uu madaxweynihii hore ee dowladii KMG Soomaaliya Sheekh Shariif ku aadi lahaa magaalada Kismaayo.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in tallaabada ay dowladda ay qaaddo ay kasoo horjeedo qodobka 21-aad ee dastuurka Qaranka Soomaaliya.
Xasan Sheekh waxa kale oo uu sheegay in dhacdadaas aysan wax raad ah ku lahayn dowladnimo, islamarkaana sida loola dhaqmay madaxweynihii hore Sheekh Shariif aysan “dadnimo iyo dowladnimo sax ku ahayn.”
Madaxweyne Xasan ayaa yiri “dowladda hadda jirta waxaa ka muuqdo ififaalo muujinayo inaysan wax xushmad ah u ahayn dastuurka dalka”.
Source: Voa News