Kismaayo – Waxaa galabta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad Goboleedka Jubbaland wafdi ay hoggaaminayaan madaxweyneyaaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.
Wafdiga Madaxweyneyaashii hore oo ay wehliyaan Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federalka, siyaasiyiin uu ka mid yahay Guddoomiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaraha ee magaalada Kismaayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madobe iyo xubno ka tirsan Xukuumaddiisa.
Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa u tagay magaalada Kismaayo ka qeybgalka munaasabadda caleema saarka Axmed Madoobe oo la filayo in ay dhacdo toddobaadkaan.
Tagida mas’uuliyiinta ee maagalada Kismaayo ayaa imanaya kaddib markii dhawaan dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaaday xanibaadii saarnayd duulimaadyada diyaaraha aada magaalada Kismaayo sidoo kale ka qaaday xayiraadii dhanka safaaradda ah ee saarnayd siyaasiyiinta caanka ah oo ay ku jiraan madaxweyneyaashii hore.
Safarka ay ku tageen siyaasiyiinta ay ku jiraan madaxweyneyaashii hore ayaa loo arkaa fursad iyo guul siyaasadeed oo gaareen Maamulka Jubbaland oo xoojinaysa xaflada caleema saarka Axmed Madoobe.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in aysan aqoonsanyn natiijada doorashadii dib loogu doortay Axmed Madoobe, waxa ayna toddobaadkii hore soo saartay habraaca doorashada Jubbaland iyo qaabka loo soo xulayo Xildhibaannadda.