Xaruntii tijaabooyinka hubka Nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi oo duntay

926
Kuuriyada Waqooyi ayaa toddobaadkii hore sheegtay in ay xireyso xaruntaan,aysna joojinayso tijaabooyinka ganaalaha Nukliyeerka. Sawirka: Reuters

Xaruntii ugu wayn tijaabada hubka Nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooqi ayaa la sheegay in ay qayb ahaan duntay, iyada oo laga maqlay qaraxyo dhawr ah, taasi oo noqon karta in goobtaasi aysan suuragal ahayn in markale laga sameeyo tijaabada gantaalaha nukliyeerka, sida ay baahisay warbaahinta dalka Shiinaha.

Burburka xaruntaan ayaa shaki gelin gelisay hadal ay ku dhawaaqaday toddobaadkii hore Kuuriyada Waqooyi kaasi oo ahaa in ay joojinayso tijaabada hubka nukliyeerka ah ee goobtaan ka hor shirka jimcaha ee u dhexeeya hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un, iyo madaxweynaha koonfurta Kuuriya, Moon Jae-in.

Goobta tijaabada ee Punggye-ri, ayaa ku taalla dhulka buuralayda ah, ayaa ah meesha lixda ka mid ah dhammaan tijaabooyinka nukliyeerka laga sameeyay tan iyo 2006-dii.

Cilmibaaris ay samesay Jaamacadda Sayniska iyo Tiknoloojiyada ee Shiinaha ayaa, muujisay burburka ballaaran oo dhulka hoostiisa ah oo soo gaaray goobta.

Daraasadaan, ayaa la daabacay wax yar kadib markii Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uu sheegay in waddanku joojin doono tijaabooyinka hubka nukliyeerka iyo gantaallaha ballistigada ah, iyo in la xiro xarunta Punggye-ri ka hor inta uusan la kulmin madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed koonfurta xudduudaha