Xalka ammni wuxuu ku jiraa gacanta shacabka Soomaaliyeed – UM

1846
President Farmaajo meeting with the Public after Zoobe attack. Oct 2017 Photo/ Villa Somalia

Muqdisho (UM) – Tan iyo qaraxyadii isxig xigay ee Naasa Hablood 2 iyo Zoobe, Madaxweynuhu wuxuu muujiyay dadaal dheeri ah,isaga oo si uu niyada ugu dajiyo shacabka iyo beesha caalamka safaro ku kala bixiyay wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Intaas waxaa sii dheer in xilalkii laga qaaday taliyeyaashii Nabadsugidda iyo Booliiska. Sidoo kalena madaxweynuhuna wuxuu shir gudoomiyay kulan uu kala qaybgalay Ra’iisul wasaarihiisa, madaxda maamuul goboleedyaduna ay goob joog ka ahaayeen. Kulankaas oo u dhaxeeyay taliyaasha ciidanka lugta ee Soomaaliya iyo Amisom oo looga wada hadlay sidii looga adkaan lahaa Al-Shabaab. Waxaana kulankaas lagu wada qaatay go,aan horay loo qaadan jiray oo ahaa waa in aan Al-Shabaab ka adkaanaa innaga oo wada jirna.

Wadajir aan u shaqeeyno lagu heshii,waxaadse moodaa in wali aysan taasi suura galin,sababta oo ah ciidanka Amisom ee dalka jooga waxaa laga xukumaa wadamadooda halkii ay hoos tagi lahaayeen taliska Amisom.

Ka darane waxay ciidankaan u shaqeeyaan si wadan wadan ah,iyaga oon wadaagin warbixinada iyo macluumaadka.Sidoo kale ciidankaan malahan diyaarado qumaati u kaca oo ka caawin lahaa hawlgallada dhinaca cirka. Waxaa kaloo walaac iyo warwar laga muujinayaa cidda maalgalin doonta hawlgalka inakstoo hadda ay maalgaliyaan midowga Yurub iyo Mareykanka.

Dawlad dagaal ku furanyahay,kuna qasbanaatay in ammaanka uu noqdo waxa kaliya ee ugu muhiimsan kaddib labadii weerar ee is xig xigay waxaa la gudboon in ay qaadato xal adag.Xalkaasina waa in ay la shirkoowdo oo wada shaqeeyn la yeelato dadkeeda.

Ilaa iyo hadda wadahadalada amni waxay noqdeen kuwa u dhaxeeya uun madaxda,shacabkuna waxay ka noqdeen daawadayaal. Shacabka waa kuwa kaliya ee ah dhibanayaasha falalka argagixiso.

Sida madaxda oo kale ma heeystaan baabuur aysan xabadu Karin,iskumana qariyaan jawaano carro ah gadaashood.

Shacabku waxay taaganyhiin furimaha waana in lala tashadaa oo quloobtooda sidii lagu heli lahaa lagu dadaalaa si ay u taageeraan dadaalada amni.

Shacabka Soomaaliyeed waxay fahamsanyihiin muhiimada in lala shaqeeyo dawlada si amni darrada looga hortago,laakiin waxaan jirin aamin iyo kalsooni ay ku qabaan dawladu in ay badbaadin karto. Dariseeynta ayaa ilaa hadda ah mid uun riyo ah,waloow dariseeynta iyo dadweeyaha oo amniga ka qayb qaata la ogaaday in ay hoos u dhigto fal dambiyeedyada.

Inkastoo madaxweynuhu uu ka codsaday maamul goboleedyada in ay ammaanka kala shaqeeyaan,haddana waxa khatarta wajahaya ma ahan iyaga ee waa shacabka ku nool dhulalka ay xukumaan.

Intii madaxweynuhu waqti iyo qarash ku bixin lahaa maamul goboleedyda waxaa habboon in uu la yimaado hab ammaanka ay saldhig u yihiin shacabka isaga oo taas ku daraya kalsooni soo celin iyo adeegyadii dawladeed oo dib loo soo celiyo. Ciidanka Amisom iyo kuwa dawladana waa in lagu booriyaa in aysan dadka wax yeelin.

Inta badan shacabka Soomaaliyeed waa ka cabsi qabaan in ay la shaqeeyaan hey-adaha amniga sababa la xiriira aqoondarrada ciidanka iyo hugaaminta xun.Sidoo kale ciidanka waxba lama siiyo, niyadoodu ma fiicna. Sidaas waxaa qiray madaxweynaha oo yiri  haddii la rabo in ay jabiyaan cadawga waa in loo dhiiri-galiyaa sida cadawga oo kale.

Wali waxaa Soomaaliya ka jira laba maamul oo is barbaryaal.Mid ujeedooyinkiisa cadyihiin oo qas iyo qasaaro lagu yaqaan,iyo mid sharciyad heeysta laakiinse aan laheyn qabanqaabadii lagu yaqaan,haddana aan heysan dhaqaale ku filan. Shacabka Soomaaliyeed waxay ku dhex lumeen labadaas maamul ee is diidan.

Inta badan shacabka Soomaaliyeed waa uu taageersanyahay dawladda madaxweyne Farmaajo,waxaase muuqata in bishii malabku ay dhammaatay.

Si kastaba, shacabka Soomaaliyeed waxay rabaan nabadgalyo ,walise ma hayaan isku haleyn dhinaca dawladda ah, oo taasi waa maqantahay.Waana caqabada ugu weyn ee ay tahay in la xalliyo haddii la rabo in la gaaro Nabad iyo Nolol.