Xaflad lagu soo bandhigayay wax-qabadka Xukuumadda oo lagu qabtay Muqdisho (Sawiro)

911
Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya oo hadal ka jeedinaya xaflad lagu soo bandhigayay wax-qabadka Xukuumadda Soomaaliya (Xuquuqda Sawirka SONNA)

Xafladan oo lagu qabtay xarunta Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta ayaa ujeedadeedu aheyd in xukuumadda looga mahadceliyo bixinta mushaaraadka shaqaalaha ee sanadkii tegay iyo xuska sanadguurada koobaad ee ka soo wareegtay dib u howlgelinta xiriirka guud ee ururada shaqaalaha, waxaana ka qeybgalay R/wasaaraha dalka mudane Xasan Cali Kheyrre, wasiirka Maaliyadda, wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, guddoomiyaha guddiga Qaran ee shaqaalaha rayidka ah  iyo qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda.

C/qaadir Nuur Xuseen “Maax” gudddoomiyaha Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed oo halkaasi ka hadlay ayaa xukuumadda ku amaanay dadaalkeeda ku wajahan hagaajinta nolosha shaqaalaha dowladda iyo guud ahaan bulshada inteeda kale.

Guddoomiyaha gudiga Qaran ee shaqaalaha rayidka ah mudane Xasan Abshirow ayaa sidoo kale soo dhaweeyay sida ay xukuumaddu ugu guuleysatay bixinta mushaaraadka sanadki la soo dhaafay, isagoo shaqaalahana ku boorriyay iney si hufan u gutaan waajibaadkooda.

Guddoomiye ku xigeenka xiriirka guud ee ururada shaqaalaha Nuur Axmed Diiriye ayaa ka hadlay taariikhda waxqabad ee xiriirka guud ee ururada shaqaalaha, isagoo tilmaamo ka bixiyay ahmiyadda ay ururada shaqaaluhu u leeyihiin horumarka dalka, wuxuuna ammaanay waxqabadka xukuumadda.

Guddoomiyaha xiriirka guud ee ururada shaqaalaha C/risaaq Macalin Cilmi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa shahaaddooyin gudoonsiiyay R/wasaare Kheyrre, wasiirka maaliyadda iyo mas’uuliyiin kale, isagoo ku amaanay waxqabadkooda.

Wasiirka Maaliyadda C/raxman Ducaale Beyle ayaa sheegay in shaqaaluhu ay joogto u helidoonaan mushaaraadkooda, ayna ku dadaali doonaan sidii loo dhameystiri lahaa dhamaan xuquuda shaqaalaha, isagoona sheegay in dhiiri galin iyo sharaf weyn ay u tahay Shahaadada la guddoonsiiyay waxaana uu yiri

“Waxaa sharaf weyn ii ah in Xiriirka Guud ee Ururada Shaqaalaha ay i siiyaan Shahaado Sharaf taas oo igu dhiirigalineyso in aan labalaabo shaqada aan u hayo Ummada Somaaliyeed.”

R/wasaare Xasan Cali Kheyre oo gabagabadi kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in hadafka dowladdu ka weynyahay bixinta mushaaraadka oo kaliya, wuxuuna intaasi ku daray in xukuumaddiisu ku dhisantahay isla xisaabtan, isagoo tilmaamay in ururada shaqaaluhu ay lafdhabar u yihiin dowladnimada.