Wararka aan ka helayno xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa sheegayaan in maanta oo sabti ah albaabada la isugu dhuftay qaar ka mid ah xafiisyada wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya ay ku lahaayeen madaxtooyada dhexdeeda.
Xafiisyadaan ayaa la sheegay in la xiray kaddib markii uu ka dhacay waqti loo qabtay oo ahaa in muddo hal bil gudaheed ay kaga guuraan gudaha madaxtooyada sababo lagu sheegay in madaxtooyada dib u dhis lagu samayn doono, amarkaasi oo ka soo baxay agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
“Si aan u dhisno loona bilaabo shaqada dhismaha waxaan dhammaan dadka kala duwan ee degan dhismaha wayn ee Madaxtooyadda si sharaf leh looga codsanayaa lana farayaa inay ka guuraan dhismaha Madaxtooyadda,” ayaa lagu yiri amar horay uga soo baxay agaasimada madaxtooyada
Xafiisyadaan la xiray ayaa isugu jira Wasaarado iyo xafiisyo kale oo hay’adaha dowladda ay ku lahaayeen madaxtooyada, waxaana ka mid ah xafiisyada maanta la xiray Xafiiska wasaaradda Maaliyadda, wasaaradda Gaashaandhigga iyo xafiiska hanta dhowrka guud ee Qaranka.
Wasaaradaha Maaliyadda iyo Gaashaandhiga ayaa dhowaan lagu sameeyay dayactir kuwaasi oo hadda lagu shaqeeyo.
Muddo 30 maalmood ka hor ayay ahayd markii madaxda iyo xafiisyada degan madaxtooyada Soomaaliya lagu amray inay ka guuraan xarunta madaxtooyada.
Madaxtooyada ayaa waxaa degan madax ay ka mid yihiin Ra’iisul wasaare Khayre, Guddoomiye Jawaari, iyo madax kale kuwaasi oo laga yaabo in laga raro madaxtooyada Soomaaliya.