Xaaska madaxwaynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Winnie Madikizela-Mandela ayaa ku geeriyootay dalkaasi Koonfur Afrika.
Winnie Madikizela-Mandela, ayaa waxaa ahayd haweenay dalkaasi looga yaqaanay “Hooyada Qaranka” waxaana ay sidoo kale haweenay cod kar ah oo u ololalayn jirtay dagaalkii lagula jiray xukunkii Midab takoor ahaa ee dalkaasi ka jiray.
Waxaa ay Ku geeriyootay da’da 81 sano ayadoo muddo sanad Ku dhow xanuunsanaysay.
Afhayeenka qoyska reer Mandela, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geerida haweenaydan oo ahayd xaaska madaxwaynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Nelson Mandela.
Madaxwaynaha hadda tala haya ee dalkaasi Cyril Ramaphosa, ayaa ka hadlay geerida Winnie Madikizela-Mandela ayaa sheegay in dalka uu waayay haweenay qaali ah oo wax walba usoo hurtay dalka Koonfur Afrika.
Winnie Mandela ayaa dhalatay 26 bishii September sanadkii 1936-kii waxa ayna ku dhalatay gobolka Eastern Cape loo yaqaano ee dalkaasi.
waxa ay Mandela kala tageen horraantii 1990 ka hor inta uusan madaxwaynaha noqon , balse waxa uu furriinkooda si rasmi ah u dhacay 1996.
In halyaynimo iyo Hooyada Qaranka loo arkayay un ka sokow waxaa taariikhdeeda qayb ka mid ah Baal madoow galiyay eedaymo fara badan oo ay wajahday wax yar un ka dib markii Nelson Mandela uu noqday madaxwaynahii ugu horeeyay oo madow ah ee dalka Koonfur Afrika.
Waxaa lagu eedeeyay arimo ay ka mid ahaayeen inay ku lug lahayd afduub iyo dil ayadoo markii dambe maxkamadi ay arrimahaasi u xukuntay.