Muqdisho – Xaafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu diyaar markasta iyo si gaar ahba sii wadidda wadahadallada Midowga Murashaxiinta.
Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimuu oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay hadalkaan.
” Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu mar kasta diyaar yahay sii waddida wadahadalladii uu la lahaa Musharaxiinta Madaxtinimada Soomaaliya si guud iyo si gaar gaar ahba ,si loo gaaro hishiis iyo is afgarad ,dalkuna uu doorasho u aado”. Ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda.
Afhayeenka ayaa sheegay sidoo kale in dhawaan la filayo in uu Muqdisho ku qabsoomo kulankii u dhaxeeyay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlada Goboleedyada dalka si loo dhameystiro Hishiiskii 17ka Siteembar 2020.
Wadahadalada u dhexeeyay Midowga Musharaxiinta iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Khamiistii hore fashil ku dhammaay kaddib markii qoddobada qaar oo dhanka Murashaxiinta ah la isku fahmi waayay.
Midowga Murashaxiintu ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Farmaajo inuu carqaladeynayo wadahadalada u dhexeeya Ra’iisul Wasaaraha iyo Mucaaradka.
Khilaafka Doorashooyinka Soomaaliya ayaan wali xal laga gaarin iyadoo wali uusan dhicin shir 3 jeer uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo.