Xaaf oo xilkii ku wareejiyay Madaxweyne Qoorqoor

131
Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle ( Xaaf) oo xilka si ramsi ah ugu wareejiyay Madaxweynaha la doortay ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoorqoor). Sawirka: Facebook

Dhuusamareeb ( UM) – Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa xalay si rasmi ah xilkii ugu wareejiyay Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) munaasabad ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowladda Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa ka sheekeeyay heerarkii iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay maamul dhisida dowlad Goboleedka Galmudug sanadihii ugu dambeeyay. Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in uu caqabado badan ka kulmay markii uu ahaa hoggaanka Galmudug taasi buu yiri u suuragalin wasay inuu waxyaabo badan oo dhanka horumarka Galmudug ah wax ka qaban waayo.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in isaga oo magaalada Gaalkacyo jooga ay ku soo dhacday ama uu xasuustay in Galmudugtii uu dhisay uu kala goynayo mar kale taasi la xumaatay.

” Waxaan aad u xasuustay war waa midaysay ma kala goynaysaa, horeed u midaysee ma kala goynaysaa. Cid na dhexdhexaadisay ma jirto ama na dhexgasho ma jirto. Annaaga wadahadlanay wali si aan xujo lahayn ayaan ku wareejiyay”. Ayuu yiri madaxweynihii hore Xaaf oo hadal ka jeediyay munaasanadda xil wareejinta.

Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo sido kale hadal ka jeediyay munaasanadda ayaa ka hadlay qaabka uu ay u wada heshiiyeen isaga Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Madaxweyne Qoorqoor ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) tanaasulka iyo u turista uu sameeyay reer Galmudug.

” Waxaan rabaa in aan si gaar ah u xuso walaalkay Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf tanaasulkii, walaalnimadii, odaytinimadii uu u muujiyay reer Galmudug. Sidii sheegay waan wadahadalnay iyadoo oon aan roonaan, u turis iyo iyadoo in Galmudug loo turo wax ahayn ku dhex jirin ayaan isku tanaasulnay isna aqbalnay”. Ayuu yiri madaxweyne Qoorqoor.

Axmed Cabdi Kaariye ayaa bishii Febraayo ee sanadkaan loo doortay Madaxweynaha cusub ee dowlad Goboleedka Galmudug.

Ugu dambayn waxaa heshiiskii xilka ay kula la wareegeen si wadajir u saxiixay Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle ( Xaaf) iyo Madaxweynaha cusub  ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoorqoor).

SHARE