Xaaf oo xildhibaano ay xilka ka qaadeen

1085

Maalmahan waxaa sii xoogeysanayay khilaafka u dhaxeeya hogaanka Dowlad Goboleedka Galmudug kadib markii Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Ducaale Geele Xaaf uu ka qeyb galay shirkii Kismaayo ee maamul goboleedyada kuwaas oo go’aan ay soo sareen ku sheegay inay joojiyeen xiriirkii wada shaqeyn ee kala dhaxeeyay dowladda Dhexe.

Kulan ay iskugu yimaadeen xildhibaanada maamulka Galmudug magaalada Cadaado ayay ku sheegeen in ay xilka ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Kulanka Xildhibaanadan oo ay tiradooda gaaraysay 47Xildhibaan waxaa shir gudoominayay Gudoomiyihii hore Cali Gacal Casiir oo ay hore u shegeen garab ka mid ah maamulka Galmudug inay xilka ka qaadeen inkastoo uu ku gacan seyray.

Xildhibaanada ayaa dood dheer ka yeeshay Arintaan kuwaas oo ugu dambayn Codka uqaaday Mooshinka deg-dega ah ee laga keenay Xaaf., waxaana ay madasha kasoo jeediyeen Khudbado ay kaga hadlayaan Mooshinka ujeedkiisa iyo eedeemaha ay usoo jeediyeen Madaxweynaha oo ugu dambeyntii ay ku dhawaqeen inay xilka ka qaadeen.

Khilaafka u dhexeeya madaxda sare ee Galmudug ayaa sii xoogaystay tan iyo markii madaxweyne Xaaf uu wax ka saxiixay qodobadii ka soo baxay shirkii madasha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka Kismaayo.