Xaaf oo sheegay in wakiilashadii uu kala noqday wasaaradda arrimaha gudaha

535

Dhuusamareeb – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug oo warqad ku taariikheysan 29 bisha September ayaa sheegay in uu ka noqday wakiilashadii uu u  wakiishay wasaaradda arrimaha gudaha hawlaha dib u heshiisiinta Galmudug.

Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku eedeeyay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka in aysan u marin hawlaha dib u heshiisiinta sidii loogu talo galay, waxaana ugu baaqay bulshada Galmudug in ay  ka tashtaan sidii loo dhisi lahaa Galmudug loo dhanyahay.

Warqadda ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Galmudug uu si deg deg ah u magacaabi doono guddiyo loo dhanyahay oo ka shaqeeya dib u heshiisiinta, doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka.

Wasiiradda maamulka Galmudug ayaa la faray in ay ugu dambeyn tobonka bisha October ay  yimaadaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Federaalka oo hoggaamineysay xilliga kala guurka ah ee Galmudug ayuu Madaxweyne Xaaf sida ku qoran warqadda ka soo baxday xafiiskiisa ugu baaqay in ay ixtiraamto qodobka 120 ee dastuurka Federaalka oo madaxbanaanida siinaya maamulada in ay doorasho qabtaan.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa  dhanka kale loogu baaqay in ay ka qayb qaadato sidii loo qaban lahaa doorasho loo dhanyahay. Beesha caalamka ayaa  waxaa si la mid ah wasaaradda arrimaha gudaha loogu baaqay in ay ka qayb qaataan taabagalinta geedi socodka dib u heshiisiinta iyo doorashooyinka si loo helo Galmudug loo dhanyahay.

Madaxweynaha Galmudug waxa uu ugu baaqay culimada Ahlu sunah in la iska cafiyo wixii hore oo laga qayb qaato sidii loo dhisi lahaa Galmudug mid ah oo loo dhanyahay.